1194 Views

20 carruur ah oo ka dhashay qooysas danyar ah, oo ku geeriyooday magaalada Niamey ee caasimadda Niger iskuul xannaano ah oo halkaas ku yaal.

20 carruur ah oo ka dhashay qooysas danyar ah, oo ku geeriyooday magaalada Niamey ee caasimadda Niger iskuul xannaano ah oo halkaas ku yaal.
____________________________________________________________________________

 April 15-4-2021

In ka badan 20 carruur ah oo ka dhashay qooysas danyar ah, ayaa ku geeriyooday magaalada Niamey ee caasimadda Niger, kadib markii dab ka kacay iskuul xannaano ah oo halkaas ku yaal.

Fasallada iskuulka oo ka samaysnaa cariishyo ayaa dabkan qabsaday, xilli ay ku sugnaayeen arday, waxaana baaris lagu wadaa sababta keentay dabka, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Niger.

Xubin ka tirsan ururka macallimiinta Niger ayaa sheegay in Iskuulkan oo fasalladiisu ahaayeen cariishyo oo ku yaal xaafadda caanka ah ee Pays Bas ee caasimadda Niamey ay dhiganayeen ardaydaas.

Sarkaal kale, oo ka tirsan waaxda dab damiska ayaa sheegay in 21 fasal uu dabku baabi’iyay, ayna carruurtan ku xanibnaayeen intiii uu socday.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post