3126 Views

Maxkamadda CQS Oo Maanta Dil ku Xukuntay Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh

Maxkamadda CQS Oo Maanta Dil ku Xukuntay Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20  February, 2018–Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa Xukun dil Toogasha ah ku xukuntay Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya.

Waxaa lagu eedeeyay in uu  dil bareer ah u geystay Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidamada Badda Sareeyo Guutto Siciid Aadan Yuusuf Mariino.

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay u dhageysatay Kiiska waxaana ugu dambeyntii ay maanta ku xukuntay dil toogasho ah.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Somaliya, ayaa ku dhawaaqay xukunka Sarkaalkaan.

Shuute ayaa wuxuu sheegay dood dheer kadib xukunka maxkamadda inuu noqday xil ka xayuubin iyo dil toogasho ah in lagu xukumo Sarkaalkaasi.

Eedeysanaha ayaa heysto fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan, hadii uusan ku qanacsaney xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Somaliya.

Ehelada Marxuumka dilka loo gaystay ayaa dalbaday in cadaalada la waafajiyo kiiska dilka, eedeysanaha dilka gaystayna tiirka loo geeyo, ugu dambeyna xukunkii maxkamadda wuxuu noqday dil toogasho ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment