2094 Views

Wasiirka Caafimaadka Oo Booqatay Dhaawacyaddii Qaraxii Zoobe ee La Geeyay Suudaan

Wasiirka Caafimaadka Oo Booqatay Dhaawacyaddii Qaraxii Zoobe ee La Geeyay Suudaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20  February, 2018–Wasiirka Caafimaadka ee XFS Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo booqasho ku joogta Dalka Suudaan ayaa kulamo kala duwan la qaadatay howl wadeenada Wasaaradda Caafimaadka ee Suudaan, iyadoo soo eegtay habka ay u shaqeyso Wasaaradaasi, waxayna sidoo kale booqatay Xarumaha daawooyinka lagu sameeyo iyo Shirkado daawooyinka soo saara, kuwaasi oo gaar loo leeyahay.

Dhanka kale wafdiga ay horkaceysa Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa booqasho kala duwan ku tagtay Isbitaalada Royal Care, iyo Al-mucalim oo ay ku jiraan qaar kamid ah bukaanadii ku soo waxyeeloobay Qaraxii 14-kii October ee sanadkii tagay ka dhacay isgoyska Zoobe, Wasiirka Caafimaadka oo la hadleysay Warbaahinta ayaa u Mahadcelisay dhammaan dhaqaatiirtii la tacaalayay bukaanada kala duwan iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan oo iyagana xil gaar ah iska saaray sidii ay u garab istaagi lahaayeen Walaalahood.

Waa markii ugu horeesay oo ay gaarto Dalka Suudaan Drs Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka Dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay xilkan iyadoo lagu wado gabagabada booqashadeeda in ay heshiis wax wada qabsi ah wada saxiixdaan labada Wasaaradood ee Soomaaliya iyo Suudaan.

1z 2z 3zz 4z

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment