1695 Views

Guddiyada Maaliyadda & Ganacsiga Baarlamaanka oo ka horyimid canshuurta lagu kordhiyay ganacsatada

Guddiyada Maaliyadda & Ganacsiga Baarlamaanka oo ka horyimid canshuurta lagu kordhiyay ganacsatada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  February 21, 2018 — Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Gudiyada joogtada ee Golaha Shacabka ayaa waxa ay u xilsaareen gudiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga in ay dhageystaan Cabashada Ganacsatada Muqdisho ay ka qabaan Canshuur kordhinta lagu sameeyey.

Gudiga ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ay uga hadlayeen jawaab bixinta cabashadii ka timid Ganacsatada,waxa ayna ugu horeyn sharcidaro ku tilaameen Cansuurta Iibka ee lagu kordhiyay Ganacsatada oo ah 5%.

War-Saxaafadeedka oo ka koobnaa 5 Qodob ayaa sidoo kale Gudigu waxa ay Wasaaradda Maaliyadda ka dalbadeen in 30 bisha April ay horkeento Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana aan sharci noqon doonin Canshuurtaas hadii aan Baarlamanka la marsiin.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka ay Gudigu soo saareen.

z z2

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment