2358 Views

RW Kheyre ”Dowladda waxay 1 Milyan ku bixinaysaa dhismaha xarunta Akaadeemiyada Goboleedka Afka Soomaaliga”

RW Kheyre ”Dowladda waxay 1 Milyan ku bixinaysaa dhismaha xarunta Akaadeemiyada Goboleedka Afka Soomaaliga”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  February 21, 2018 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu weynaynayey maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo oo sanad walba 21-ka Febraayo la qabto.Waxaana soo qaban qaabiyay maamulka Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee “AGA” iyo Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo kaashanaya Abwaannada Soomaaliyeed.

Waxaa ka soo qayb galay kulanka guddoomiyaha Gollaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee “AGA” Maxamed Daahir Afrax, guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Abwaano, Fannaaniin iyo qaar kamid ah qaybaha kale ee bulshada.

Guddoomoyiha Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee “AGA” Abwaan Maxamed Daahir Afrax, ayaa ka sheekeeyay taarikhda ku duugan xuska maalintan, sida ay dunidu u qiimaynayso iyo sidii ay ku dhalatay, cidii jideysay iyo sababta maalintan loo doortay, isagoona cadeeyay ahmiyada ay maanta oo kale u leedahay shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna soo jeediyay in la is waydaarsado habkii la iskaga kaashan lahaa horumarinta iyo soo noolaynta dhanqanka iyo Af-Soomaaliga oo raacay burburkii dawladnimo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahed celiyay maamulka Akadeemiyad-Goboleedka Af-Soomaaliga iyo Akadeemiyada cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo si wayn u harumariyay xarunta Akadeemiyada iyo Afka. Waxuuna balan qaaday in xukuumadiisu ay muhiimad wayn siinayso soo noolaynta Afka iyo dhaqanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in aas aaska iyo jiritaanka dadkeena uu yahay Af-ka, maadaama ay isku fahmaan shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Sidoo kalena uu yahay Af ka gudbay xaduudda Soomaaliya oo saameyn ku yeeshay dawladdaha aan dariska nahay.

“Af-Soomaaligu waa afka rasmiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya. waana in loo adeegsadaa shaqooyinka xafiisyadda dawladda si loo hagaajiyo maqaamka afkeena hooyo. Dhamaan shaqaalaha dawladda ayaan farnay in ay dhiirigaliyaan isticmaalka luuqadeena.” Ayuu yiri R/W Khayre.

Guddoomiyaha Gollaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tilmaamay in Af-ka Soomaaliyeed lagu soo qaaday weerar si loo dabo jaro balse ay dadka Soomaaliyeed ay naftooda u hurayn sidii ay u difaaci lahaayeen afkooda hooy. Waxuuna sheegay in kooxda Akadeemi-Gobaoleedka Af-Soomaaliga ay rubac qarni soo wadayn qaylo-dhaan ay ku baraarujineyaan Soomaalida damiirka leh, si loo badbaadiyo afkeena.

maalinta-afka-hooyo-2 maalinta-afka-hooyo-5 maalinta-afka-hooyo-1 maalinta-afka-hooyo-3 maalinta-afka-hooyo-4

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment