2310 Views

Taliyaha cusub ee nabad-sugida Soomaaliya oo xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee nabad-sugida Soomaaliya oo xilka la wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  February 21, 2018 —Taliyaha cusub ee ciidamada Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Taliska Sare ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Ciidamada NISA ee Habar Khadiijo, ayaa waxaa xilkii Taliyaha NISA si rasmi ah ula wareegay Taliyaha cusub oo maalin ka hor la soo magacaabay.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya iyo Wasiiro ayaa goobjoog ahaa madaxa xafladda xil wareejinta ay ka dhaceysay.

Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Somaliya Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa balan qaaday inuu la imaan doono hufnaan shaqo oo ku saleysan ad adeeg iyo isbedel la taaban karo.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ku booriyay Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Somaliya inuu si wanaagsan u guto shaqadiisa, wuxuuna kula dardaarmay Saraakiisha NISA inay la shaqeeyaan hoggaanka cusub.

Nabad Suggida Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa Ku sime Taliye ka ahaa C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) balse maanta si rasmi ah taliyaha cusub ayaa xilka ula wareegay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment