1980 Views

Ciidamada AMISOM Oo Toogatay Ciidan iyo Shacab Oo Ku sugnaa KM4.

Ciidamada AMISOM Oo Toogatay Ciidan iyo Shacab Oo Ku sugnaa KM4.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  24  February 2018 —Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee nabad ilaalinta u joogta Soomaaliya  ayaa xalay toogasho ku dileen Askari iyo dad Shacab ah, xili ciidamada dowlada ay ku howlanaayeen ka hortaga weerarkii Al-shabaab xalay ay ku soo qaadeen agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa isku dayay in ay maraan bar Kontorool oo ku taalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha gaar ahaan halka loo yaqaano biyo dageenka, waxaana is hor istaag ku sameeyay Ciidamadii halkaasi joogay ee NISA.

Ciidamada AMISOM ayaa isticmaalay awood Millitari waxa ay toogteen si bareer ah mid ka mid ah Ciidamadii Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee halkaasi ku sugnaa oo lagu magaacbi jiray Aadan iyo laba qof oo shacab ah oo goobta ka ag dhawaa.

Warar oo ay heshay Shabakada Qaranimo ayaa Intaasi waxaa ku darayaan in Ciidamada AMISOM daqiiqado kadib ay mareen wadada, islamarkaana waxaa la sheegay in ay tageen halkii ay ku wajahnaayeen, waxayna koobta kaga tageen Askarigii NISA ka tirsanay ee ay dileen iyo labadii ruux shacabka ahaa.

Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Askariga  iyo labada qof ee ay dileen ciidamada AMISOM la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da, iyadoona la tilmaamay in halka ay wax ka dhaceen ay soo gaareen Ciidamo kale oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya, oo halkaasi ka qaaday Askariga iyo Dadka Shacabka ah ee la dilay.

Saraakiisha Amaanka ee Dowlada Soomaaliya ayaa weli ka hadlin falkan  ay geysteen Ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa inta badan dhacdooyinka nuucan oo kale ah waxay ka geystaan magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka kuwa ay  sugan yihiin, hayeeshee Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa laga Wardhowrayaa go’aanka ay ka soo saari doonto Falalka ay geysteen Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment