1884 Views

Wasiir Islow “Khasaaraha ugu badan Qaraxa Dorbin ayuu ka dhashay”

Wasiir Islow “Khasaaraha ugu badan Qaraxa Dorbin ayuu ka dhashay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  24  February 2018 —Inta la xaqiijiyay 20 qof ayaa ku geeryooday tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeen kadib weerar laba qarax watay oo Al-shabaab ay ku soo qaadeen meel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo Hotelka Dorbin oo ku yaalla Agagaarka Isgoyska Jubba.

Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar Rasaas ku bilowday ku soo qaaday Taalada dhagaxtuur oo ku taalla wadada Sayidka, waxaana halkaasi ay kala kulmeen iska cabin kaga timid Ciidamada Dowladda.

Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay qaraxa ka dhacay Hotelka Dorbin afaafkiisa hore, maadaama halkaasi ay marayeen dadweyne u badan dhalinyaro, kuwaasi oo u jimceystay Xeebta Liido, xilligaasina soo hoyanayay.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle oo booqday dhaawacydii xalay ayaa faah faahinaya khasaaraha ay geysteen qaraxyadii xalay.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka aysan marnaba ka niyad jabi doonin weerarada Shabaab, wuxuuna dhanka kale tilmaamay dhaawacyada daran in loo qaadi doono dalka dibadiisa.

Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegteen rag iyaga ka tirsanaa in ay weerarkan ka dambeeyen, waxayna tilmaameen in ay beegsadeen meel ku dhow Madaxtoioyada iyo Hotelka Dorbin.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment