2145 Views

Dowlada Masar iyo Ururka iskaashiga Islaamka oo Cambaareeyay weerarkii ka dhacay Muqdisho.

Dowlada Masar iyo Ururka iskaashiga Islaamka oo Cambaareeyay weerarkii ka dhacay Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 25, February 2018 —Dowlada Masar iyo ururka iskaashiga islaamka (OIC) ayaa si wadajir ah u cambaareeyay qaraxyadii iyo weerarkii Habeen ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Masar ayaa lagu yiri, waxaan ka xunnahay qaraxyadii argagaxiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho, dadka badanna ay ku geeriyoodeen, kuwaas bartil maamaydkoodu ahaa madaxtooyada soomaalya iyo xarunta ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Warkaan ayaa sidoo kale lagu yiri, dowladda Masar markasta waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowladda soomaaliya, qaraxyadaasna maburburi doonaan hamigii dowladda soomaaliya ay ka laheed cirib tirka argagaxisada ayaa ku yiri war qoraal ah uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Masar Ahmed Abu Zeid.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay ururuka iskaashiga islaamka ayaa lagu cambaarayay qaraxyadii gilgilay caasimada Muqdisho ay ku dhintee dad ka badan 40ruux tiro intaas ka badane ay ku dhaawac meen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment