2037 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Hambalyo u Diray Madaxda Kuweyt

Madaxweyne Farmaajo Oo Hambalyo u Diray Madaxda Kuweyt
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 25, February 2018 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Amiirka iyo shacabka dalka Kuweyt sanad guuradii 57aad ee ka soo wareegtay xurriyadda dalkas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay farxadda la qeybsanayaan walaalaha Kuweyt oo u dabaal dagayay maalintan qiimaha badan ee xornimada ay ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sida markasta ay uga go’antahay kor u qaadistiisa

Madaxweynaha oo uga mahad celiyey shacabka iyo dowladda Kuweyt sida joogtada ah ee ay u garab istaagaan Soomaaliya, waxaana u rajeeyey horumar dheeraad ah iyo farxad waarta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment