4074 Views

Aadan Barre Ducaale “Ninka raba inuu Nairobi ku mucaarado dowladda Farmaajo uma ogolin”.

Aadan Barre Ducaale “Ninka raba inuu Nairobi ku mucaarado dowladda Farmaajo uma ogolin”.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 26, 2018 – Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa u digay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay shirar ku qabtaan magaalada Nairobi.

Aadan Ducaale ayaa tilmaamay in dowladda Kenya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta aysan marnaba ogoleyn in laga mucaarado dowladda Soomaaliya magaalada Nairobi.

“Dowladda Kenya xiriir weyn ayaa kala dhaxeeyo dowladda Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre waa ka dambeeynaa, ninkii raba inuu meelaha ka mucaarado dowladda Kenya ma ogolo, fursad hala siiyo ayaa leenahay yaan kabaha lala korin”ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ay u ogol yihiin inay Nairobi yimaadaan, kuna nastaan, balse aysan ogolaan doonin inay dowladda ku mucaaradaan.

“Halkaan Nairobi uma ogolin inay ku mucaaradaan, hadii ay rabaan Jabuuti, Addis Ababa iyo Dara salama ha aadaan, hana ku mucaaradeen”ayuu yiri Aadan Barre Ducaale oo xilligan wajahaya cadaadis uga imaanaya Maxkamadda Kenya oo ku aadan qaabkii uu ugu guuleystay doorashada, isla markaana la filayo in mar kale lagu celiyo doorashadii uu ku guuleystay bishii August ee sanadkii hore.

Dowladdii hore uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa la xusuustaa meelaha siyaasiyiinta mucaaradka geed fadhiga u ahaa inay aheyd magaalada Nairobi, iyadoo Madaxweyne Farmaajo halka uu Ololihiisa doorasho iyo midii mucaaradnimo ee uu kala soo horjeeday dowladdii Xasan Sheekh uu ka soo bilaabay Nairobi oo muddo deegaan u aheyd.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment