1977 Views

Q.M. oo muddo kordhin ku sameeyay xayiraaddii hubka

Q.M.  oo muddo kordhin ku sameeyay xayiraaddii hubka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 27, 2018 – Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Ruushka uu diidmada qayaxan kala hor yimid qaraar qabyo-qoyaal ahaa oo ay soo jeedisay dowladda Britain, kaa oo si gooni ah farta ugu fiiqayay dowladda Iiraan in ay jebisay cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobey ku soo rogtay dalkaasi Yaman.

Xukuumadda Moscow ayaa intaa kaddib soo gudbisay qaraar qabyo-qoraal ah oo markii dambe dhammaan 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ay aqlabiyad ku meel mariyeen.

Qaraarka qabyo-qoyaal ahi ee ay soo jeedisay dowladda Britain ayaa walaac ka muujinayay in Iiraan ay ku xad gudubtay cunaqabatayntii dhanka hubka ee dalkaasi lagu soo rogay sanadkii 2015, iyadoo sida la sheegay ku guul dareysatay in ay ka hortagto shixnadaha hubka ahi ee sida gantaalada riddada dhexe iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ku wajahan dhulka ay maamulaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Haseyeeshee Ruushka ayaa arrintaasi ku gacan seyray waxa uuna safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobey Vassily Nebenzia sheegay in xukuumaddiisu aysan marnaba aqbali karin hindisaha Britain.

Britain waxaa qaraarkaasi kala soo shaqeeyay waddamada Faransiiska iyo Mareykanka.

Tallaabadaasi Ruushka ayaa loo arkaa in ay dharbaaxo weyn ku tahay dedaallada reer galbeedka ay ku doonayaan in ay Iiraan kula xisaabsatamaan taageerada ay siiso fallaagada Xuutiyiinta Yaman ee dagaalka kula jira dowladda caalamka uu aqoonsan yahay ee Yaman iyo xulufadeeda uu Sucuudiga hoggaamiyo.

Ruushku waxa uu sidoo kale ku gacan seyray warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay oo lagu sheegay in gantaalada Xuutiyiinta ay sanadkii hore ku ridayeen Sucuudiga lagu sameeyay gudaha dalka Iiraan.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment