2094 Views

Sucuudiga oo shaqadii ka joojiyay Taliyeyaashii Ciidamada

Sucuudiga oo shaqadii ka joojiyay Taliyeyaashii Ciidamada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 27  2018 – Boqorka dalka Sacuudiga ayaa wareegto uu xalay soo saaray wuxuu xilalkii uga qaaday dhamaan Taliyeyaashii ciidamada ugu sareeyay ee dalka Sacuudiga.

Wareegtada xil ka qaadista oo xilli dambe Warbaahinta soo gaartay ayaa lagu sheegay in xilalkii laga qaaday Taliyeyaasha.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in sababta Boqor Salmaan uu xilalkii uga qaaday Taliyeyaasha ciidamada Sacuudiga inay tahay inay ku fashilmeen dagaalka ay kula jiraan Xuutiyiinta dalka Yemen ka dagaalanta.

Siyaasiyiin ayaa sheegaya inay jirto fudeed ku aadan xil ka qaadista dhamaan Taliyayaasha ciidamada dalka Sacuudiga oo hal mar xilalkii laga wada qaaday.

Xil ka qaadista Boqor Salmaan uu sameeyay, ayaa la sheegayaa inay kula taliyeen xubno ka tirsan Qoyskiisa.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment