2037 Views

Guddoomiyaha Gobolka oo la kulmay Madaxa UNCHR ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka oo la kulmay Madaxa UNCHR ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  28 February 2018 — Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xarunta dawladda hoose kulan kula yeeshay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), Ms.Caroline Van Buren.

Guddoomiyeha iyo madaxa UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda barakaceyaasha iyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho .

Waxaa uu Guddoomiye Yarisow si gaar ah ugala hadley wafdiga UNHCR qaabka ugu haboon ee shaqo abuur loogu sameyn karo dhallinyarada gobolka, si looga hor tago tahriibka iyo xag-jirnimada, isagoona u soo bandhigay Madax UNHCR in ay kaalintooda ka qaataan sidii nolol munaasab ah loogu yagleeli lahaa dadka barakacayaasha ah.

“Waxaan u mahadcelinayaa Laanta Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR shaqada wanaagsan ee dhinaca taakuleynta barakacayaasha. Waxaan UNHCR iyo beesha caalamka ka codsanayaa inay gacan weyn ka geystaan sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.’’.

Ms.Caroline Van Buren ayaa sheegtay in UNCHR ay ka go’an tahay inay kaalmo dheeri ah u fidiso barakacayaasha ku sugan xeryaha ku yaalla Muqdisho, iyadoona sidoo kale ballan qaaday in ay kala shaqeeynayaan Gobolka kor u qaadista heerka nolashooda.

Kulankan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey.

eng-yarisow-UNCHR-3 eng-yarisow-UNCHR-2 eng-yarisow-UNCHR-1

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment