2871 Views

Sawiro:-Axmed Madoobe Oo La Kulmay Safiirka Talyaaniga oo booqasho ku yimid Kismaayo

Sawiro:-Axmed Madoobe Oo La Kulmay Safiirka Talyaaniga oo booqasho ku yimid Kismaayo
____________________________________________________________________________

Kismaayo | QOL | February 28  2018  –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Danjiraha Dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Carlo Campanile.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaalada soomaaliya gaar ahaan Amaanka iyo dib u kabashada.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka waxaa kale ii diirada lagu saaray hananka maalgashiga Talyaaniga oo wakhtigii Dowladii Dhexe maalgalin xoog leh ku sameeyay dalka.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Danjiraha sidii dib boorka looga jafi lahaa mashruucyo iyo ilo maalgashi oo Talyaanigu kal hore ka hirgaliyay deegaanka si gaar ahna in ganacsatada Talyaanigu ay u furan tahay in ay deegaanka maalgashadaan.

Arimaha nabadgalyada ayuu Madaxweynahu Dowlada Talyaaniga ku booriyay in ay laban laabto tageeradeeda dhinaca amaanka si xasiloonidu u noqoto mid adag oo aan liiq liiqan.

Dhinaca kale Danjire Carlo Campanile ayaa amaanay dadaalka Jubbaland ee nabadgalyada iyo dib u dhiska isagoo sheegay in ay maalgalin ku samayn doonan deegaanka isla markana dhinaca amaanka ay Soomaaliya oo dhan wax weyn kala qabanayaan.

Safiirka ayaa booqday Xarumo kala duwan oo ku yaala Magaalada Kismaayo oo ganacsato iyo shirkado Talyaani ah ay gacanta ku hayeen wakhtigii Dowlada dhexe ay talada haysay.

123

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Kismaayo 

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment