2013 Views

Wasiir Katirsan Xukuumada Soomaaliya Oo Loo Ganaaxay Qashin Lagu Arkay Gurigiisa Hortiisa

Wasiir Katirsan Xukuumada Soomaaliya Oo Loo Ganaaxay Qashin Lagu Arkay Gurigiisa Hortiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 28  2018  –Warar ay heshay Shabakada Qaranimo Online  ayaa waxa uu sheegayaa in Dowladda Hoose ee Xamar ay Ganaax lacageed ku ganaaxsaday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur.

Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa lagu ganaaxay lacag dhan Hal Milyan oo Shiilinka Soomaaliga ah kadib markii sida la sheegay Gurigiisa hortiisa lagu arkay Qashin,sidaasna uu ku bixiyay lacagtii lagu Ganaaxay.

Waa markii ugu horeysay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre lacag lagu Ganaaxi isla markaana uu bixiyo,waxana tani ay ku soo aadeysaa xili ay weli jiraan Wasiiro kale oo u baahan in la dabagalo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment