1797 Views

Sawiro:-Talyaaniga Oo Qalab Ku Wareejisay Taliska Ciidanka Xoogga Dalk

Sawiro:-Talyaaniga Oo Qalab Ku Wareejisay Taliska Ciidanka Xoogga Dalk
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  QOL  |  Mar  01 2018  –Safiirka Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya Carlo Campanile ayaa qalab caafimaad iyo Daawooyin ku wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Abaanduulaha Taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka Generaal Bille Aadan Ibraahim ayaa safiirka ka Guddoomay deeqdani Qalabka caafimaad iyo Daawooyinka ee loogu talagalay Cisbitaalka Xoogga dalka.

Qalabkaan caafimaad oo ay ka mid yihiin Sheybaaro iyo Daawooyin loogu talagalay Cisbitaalka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,taasi oo qeyb ka qaadaneysa sare u qaadida horumarinta dhanka Qalabka Caafimaad Cisbitaalka.

Dowladda Taliyaaniga ayaa ka mid ah Dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka Horumarinta Ciidamada,iyadoo ka qeyb qaada dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

qa5 qa1 qa2 qa3 qa4

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment