2187 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si kulul uga hadlay heshiiskii dekada Berbera & mowqifka dowladda

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si kulul uga hadlay heshiiskii dekada Berbera & mowqifka dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 02, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi oo hoggaaminayo oo 26-kii bishan u ambabaxay Imaaraadka Carabta ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Amniga.

Khayre oo warbaahinta la hadlay isaga oo ay labadiisa garbood taagan yihiin Wasiirka Dekedaha iyo Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in Imaaraadka ay kala hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta Ganacsiga, Dhaqaalaha, Amniga iyo sidii dalka looga saari lahaa ururka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo hadal qaaday heshiiska Dekeda Berbera ee Saddex geesoodka ahaa ayaa sheegay in uusan qeyb ka aheyn wada hadalka ay la yeesheen Imaaraadka, wuxuuna tilmaamay mowqifka Dowladda ee arrintaasi inuu yahay midka ku cad war-saxaafadeedka Wasiirka Dekedaha Maryan Aweys ee ahaa in Dowladda Federaalka ay sharci daro ku tilmaamtay heshiiska Dekeda..

Wuxuu sheegay heshiis walba oo la galayo kuna saabsan Deked, Bad, Khayraad iyo kuwo kale in ay u idman tahay Dowladda Federaalka, ansixintiisana keliya ay sameyn karaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Khayre ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan shirkad walba oo dooneysa in ay maalgashato dalka, maadaama uu tilmaamay ahmiyadda koowaad ee Xukuumadda in ay tahay kobcinta dhaqaalaha.

“Waxaan leenahay ummadda Soomaaliyeed anaga waxaan u dhaaranay inaan adinka idin difaacno, qof walba waxaa laga rabaa inuu ka shaqeeyo Dowladnimada, sidaas daraadeed shirkadaha raba in dalkan ay maalgashadaan, hal dariiq oo keliya ayaa u saxan oo ah in Hay’adaha Federaalka ay soo maraan, hadii aysan sidaas sameyna aan sharciga la tiigsan doono.” Ayuu yiri Khayre.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada amni ee dalka, wuxuuna sheegay in Ciidanka xasilinta ay bilaabeen Howlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo, isaga oo shacabka ka codsaday in Ciidamada ay la shaqeeyaan.

ethiopia-dbword-sland-berbera

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment