1971 Views

Dawladaha Turkiga Iyo Soomaaliya Oo Heshiis kala saxiixday

Dawladaha Turkiga Iyo Soomaaliya Oo Heshiis kala saxiixday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 04, 2018  –Munaasabadan oo  ku saabsaneyd mid Mashaariic  horumarineed ay  ku kala  saxixanayeen Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka iyo Hay”adda  Horumarinta dalka Turkiga ee  TiKA ayaa   ujeedada tahay  wax ka qabadashada biya xireenada wabiga shabeelle, Saabuuni  iyo keydka  Biyaha Xawaadleey,waxaana goobjoog ka ahaa Ku simaha Ra”iisul Wasaaraha ahna Ra”iisul Wasaare Ku_xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guleed, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Ganacstada beeraleyda dalka,Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo  Madaxda Hay’adda TIKA.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid  ayaa  muhiimada uu leeyahay heshiiskan faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in muhiimad gaar ah u leeyahay wax soo saarka dalka sida kor u qaadista tacbashada Beeraha.

Isku xiraha Hay”adda TIKA Galib Yilmaz ayaa sheegay in mashaaricdan horumarineed  ay  ka shaqeyn doonann sidii wax looga qaban lahaa biyaha xireenka Wabiga shabeele iyo keydka biyaha, wuxuuna saxiixa maanta wada gaarnay Wasaaradda Beeraha Dowladda soomaaliya muhiimad siinayaa horumarka  wax soo saarka Soomaaliya.

Safiirka dalka Turkiga  Soomaaliya  olgan Baker  oo munaasbada ka hadlay ayaa waxuu tilmaayay in ay dowladda Turkiga ay  go’an tahay gacansiinta shacabka Somaaliyeed iyo Dowladda.

Ra’iisal Wasaare ku_xigeenka dalka ahna ku_simaha  Ra”iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuled (khaddar).  Wuxuu sheegay hadii uu hirgalo mashruucaan in 10 qodob oo muhiim ah dalka in uu wax ka qaban doona.

Heshiiskan ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaa  heshiisyo noocan oo kale ah oo Wasaaradda Beeraha dalka ay hore ula soo  gashay dalal dhowr ah oo ay ka mid yahiin Masar, Suudan iyo Turkiga wuxuuna dhamaantood ay qeexayaan sidii  loo horumarin lahaa Beerlayada Somaaliyeed iyo kobcinta  wax soo saarka dalkeeena.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment