2112 Views

Madaxweynaha Soomaaliland Oo Golihiisa Wasiirada Ka Joojiyay La Hadlida Warbaahinta

Madaxweynaha Soomaaliland Oo Golihiisa Wasiirada Ka Joojiyay La Hadlida Warbaahinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 04, 2018  –Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta amar dul-dhigay Golihiisa Wasiirada kadib markii uu Maanta la qaatay kulan gaar ah.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu amray Golaha Wasiirada Soomaaliland in aysan Warbaahinta la hadlin Karin.

Waxaa lagu sheegay Wareegtada in halkii ay Warbaahinta hadalo ay iskugu marsiin lahaayeen ay waxwalba ku wadaagaan qoraalo sharci ah.

Wareegtada amarka lagu farayay ayaa waxaa dhammaan loo qeybiyay Golaha Wasiirada soomaaliland kuwaas oo lagu sii ogeysiiyay in ay Wareegtadaan dhaqan geliyaan.

Tallaabadaas ayaa waxaa lagu sheegay in looga gol leeyahay xoojinta dhanka maamulka,waxana sidoo kale aysan Warbaahinta Wasiirada la hadli Karin fsax la’aan.

Wareegtan ayaa ku soo aadaya xilli ay dhawaan uu khilaaf soo kala dhex galay wasiirka warfaafinta Soomaaliland iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaas oo warbaahinta isu mariyay weerar dhanka afka ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment