2160 Views

Wasiir Mursal”Waxan Dejineynaa Qorsho Aan Uga Hortageyno Dhagarta Cadawga”

Wasiir Mursal”Waxan Dejineynaa Qorsho Aan Uga Hortageyno Dhagarta Cadawga”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 04, 2018  –Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar uga furay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo gaaraya iala 118 Askari.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan wasiirka gaashandhiga Soomaliya ayaa waxa uu sheegay in Ururka 60 aad  oo ah ciidamada tababarka loo furay ay ka duwan yihiin Ururada kale maadaamada ay saaran  masuliyad aad u culus isagoo tilmaamay in ay tusaalo u yihiin Ururrada kale ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya

Wasiir Mursal  ayaa intaas waxa uu hadalkiisa ku daray in Ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya uu yahay mid ka masuul ah maskaxda dowlada Soomaaliya

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dadka ka soo horjeeda dowladnimada Soomaaliya  ay marwaliba diyaarinayaan qorshooyin cusub dowladana looga baahan yahay in tababaro iyo qorshooyin cusub  ay marwaliba diyaariso si loo xaqiijiyo Amniga dalka.

Horay ayaa waxaa mudo dhowr bilood ah tababar u qaatay ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada kuwaas oo lo qorsheynayo in amniga Madaxtooyada ay siweyn u ilaaliyaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment