1821 Views

Gudoomiye Yariisoo Oo Daah Furay Shikii Loga Hadlayey Arrimaha Barakacayaasha

Gudoomiye Yariisoo Oo Daah Furay Shikii Loga Hadlayey  Arrimaha Barakacayaasha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 05, 2018  –Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in hiigsiga Maamulka Gobolka ee sanadka 2022 uu yahay sidii dib u dajin buuxda loogu samayn lahaa dadka haatan barakacayaasha ku ah Caasimadda.

Guddoomiyaha oo furay Shirka Wada-tashiga Arrimaha Barakacayaasha Gobolka ayaa tilmaamay in 500,000 oo qof ay haatan barakac ku yihiin gudaha Gobolka Benaadir, kuna noolyihiin xaalado nolaleed oo aad u adag.

“Barakacayaasha intooda badan waxa ay ku sugan yihiin xeryaha ku yaalla magaalada tan iyo sanadkii 2011kii. Muddaas 7 sano ah laguma guuleysan in xal waaro loo helo, balse haatan waxaa muuqata in aan iska kaashanno sidii aan dadkan ugu abuuri laheyn nolol ku haboon.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadiq C/laahi Cabdi ayaa sheegay in ay kala shaqeyndoonaan Maamulka Gobolka Benaadir qiimeynta arimaha la xiriira hawlaha dib u dajinta iyo shuruucda dhulka dib u dajinta loogu sameyn doono barakacayaasha Gobolka.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Wasiir Ku Xigeennada Wasaaradaha Qorsheynta, Amniga Gudaha, xubno ka socda Dawlad Goboleedyada dalka, Masuuliyiin Heer Gobol iyo Heer Degmo ee gobolka Benaadir, khubaro iyo hoggaanka barakacayaasha ku dhaqan magaalada .

Gaba gabadii Shirkaan waxaa la isla qaatay qodobada hoos ku xusan oo asaas u ah xal u helis waarta ee dhibaatooyinka barakacaayaasha :

  1. In la kor dhiyo dadaalka lagu wajahyo xaaladaha adage e ay ku jiraan barakacayaashu, gaar ahaan adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.
  2. Magacaabista guddi farsamo oo ka kooban Dawlada Dhexe, Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Benaadir oo diyaariya qorsheyaasha xalka waara ee barakacayaasha.
  3. In Dawlad Goboleedyada dalka, Gobolka Benaadir iyo hay’adaha caalamiga ah ay si wada jir ah uga shaqeeyaan ka mira-dhalinta qorshaha dib u dajinta barakacayaasha.
  4. In la diyaariyo qorshe lagu wajahayo xaaladaha deg deg ah ee sababa barakicinta sida abaaraha iyo colaadaha.
  5. Xoojin wada shaqeynta amni ee ka dhaxeysa laamaha ammaanka iyo dadka barakacayaasha ah si looga hortago falalka amni darrada ah.
  6. In aan dadka barakacayaasha ah lagu khasbin in dib loogu celiyo deegaannadii ay horey uga yimaadeen.
  7. In Maamulka iyo dawladduba ay xaq u leedahay dib ula soo laabashada dhulka dawliga ah ee barakacayaashu ay ku noolyihiin hadii ay u baahato in ay u isticmaasho danta guud.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment