2148 Views

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Shir Maanta Ka Furaya Magaalada Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Shir Maanta Ka Furaya Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 05, 2018  –Magaalada Muqdisho waxaa  Maanta lagu qabanayaa Shirka Wadatashiga Arrimaha Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabtay ee Gobolka Banaadir.

Shirkan uu martigelinayo Maamulka Gobolka Benaadir waxaa ka soo qeyb galaya Masa’uuliyiinta Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, Dowlad Goboleedyadda iyo Ururrada bulshada rayyidka, waxaana shirka inta uu socdo looga hadli doonaa qobadda kala ah.

1-Xaaladda Dhabta ah oo Barakacayaasha Muqdisho ku noolyihiin.

– Xaaladda amniga ee kaamamka Barakacayaasha.

3- Xaaladda Deegaannada ay ku noolyihiin Barakacayaasha.

4- Aragtida iyo Sharuucyadda dalka ee la xariira Arrimaha Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabtay.

5- Sida dib u dejin loogu sameyn karo barakacayaasha iyo Sida loogu celin karo meelihii ay ka kala yimaadeen.

Kulankan waxaa uu socon doonaa Mudo hal maalin ah, waxaana ka soo bixidoono go’aano sida ay xaqiijiyeen Maamulka gobolka Banaadir lagu cadeyn doono Warsaxaafadeedka Shirka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment