2166 Views

Siyaasi C/Raxmaan C/Shakuur ”Shaki ayaan ka qabaa heshiiskii dekada Berbera & safarkii Ra’iisul Wasaaraha ee Imaaraadka”

Siyaasi C/Raxmaan C/Shakuur ”Shaki ayaan ka qabaa heshiiskii dekada Berbera & safarkii Ra’iisul Wasaaraha ee Imaaraadka”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 6, 2018 – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed marna ka mid ahaa musharixiintii la tartantay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay mowqifkiisa ee heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee dekada Magaalada Berbera.

Siyaasiga ayaa marka hore sheegay in heshiis walba oo la galayo ay masuul ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya berina wax laga bweeydiin doono.

“Dawlada Soomaaliyeed ayaa masuul ka ah Madaxbanaanida iyo ilaalinta midnimada dhulka Soomaaliya. Dawladu waa kafiilka xaga damaanadda, (collateral), iyo shakshiga qaanuuniga ah (Legal personality) ee heshiisyada caalamiga ah, taasoo macnaheedu yahay in ay tahay cida beri loo raacanayo gaabiska, fulin la’aanta, ka bixista iyo burinta heshiiska heer caalami, maadaama aan Somaliland dunidu aqoonsanayn.

Sidoo kale waxa uu sheegay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi in uu shaki weyn ka qabo waxa isku soo beegay heshiisii Saddex Goosoodka ahaa ee Dekada Berbera kas oo ay kala saxiixdeen Soomaaliland, Itoobiya iyo Shirkada DP World iyo Kulankii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo dhaxal sugaha Wadanka Imaaraadka Carabta.

“Waxaan ognahay in Gudoonka Baarlamaanka uu 10 bilood ka hor Madaxweynaha u qoray in uu cadayn ka bixiyo arrimahan iyo kuwo la mid ah, weli kama uu soo jawaabin, waxaa kaloo shaki abuuray isku soo beeganka maalintii uu Raysalwasaaruhu bartiisa Twitter ka soo dhigaygay in uu la kulmay dhaxal sugaha Wadanka Imaaraadka Sheekh Maxamad Bin Zayid oo ahayd 1da Maarso iyo maalinta la sii daayey warsaxaafadeedka saxiixa heshiiska”

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweyne Farmaajo  in uu cadeeyo mowqifkiisa hehsiiskaas laakin aysan wanaagsaneyn in la’aamuso.

 Warkan  Qoraalka ah ayuu Siyaasiga soo dhigay dhigay Bartiisa Facebook.

bbbbbbbbbbbbbbbbbb

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment