2028 Views

Xildhibaanada Jubbaland Oo Ansixiyay Qodob Ka Joojinaya In Ay Ku Kulmaan Meel Ka Baxsan Kismaayo

Xildhibaanada Jubbaland Oo Ansixiyay Qodob Ka Joojinaya In Ay Ku Kulmaan Meel Ka Baxsan Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 6, 2018 –Kulan ay Maanta Kismaayo ku yeesheen xildhibaanada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay sibedel ku sameeyeen qodob sheegayay in xildhibaanada Jubbaland ay ku kulmi karaan meel ka baxsan Kismaayo.

Xildhibaaanda ayaa intii uu kulankoodu socday waxa ay cod u qaadeen qodobkaas iyaga oo ugu dambeyn ansixiyay waxkj bedeka qodobkaas,iyaga oo ka dhigay in xiligaan wixii ka damebeeya aysan ku kulmi Karin xildhibaanada meel aan aheyn Magaalada Kismaayo.

Ilaa 38 mudane ayaa doodheer kadib ansixiyay waxka bedelka qodobka,taas oo ku timid cadaadis xildhibaanada uga yimid Madaxtooyada Maamulka Jubbaland

Horay ayaa waxaa loo xiray xildhibaano dhowr ah oo dhiibtay aragti Siyaasadeed,qaarkood la musaafuriyay halka qaar xasaanadii xildhibaanimo lagala laabtay.

Sidoo kale waxaa horay u jirtay in gebi ahaanba uu meesha ka baxay mooshin ay Madaxweyne Axmed Madoobe ka gudbinayeen tiro xildhibaano ah oo ka tirsan jubbaland kadib cadaadis iyo cagajugleyn uga timid Madaxtooyada,iyada oo xildhibaankii ugu dambeeyay ee la xiray uu ahaa Axmed Taajir oo markii dambe xubintii xildhibaanimo uu iska casilay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment