2040 Views

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland oo difaacay heshiiska maamulkiisa uu ku qeybiyay Dekada Berbera

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland oo difaacay heshiiska maamulkiisa uu ku qeybiyay Dekada Berbera
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 07, 2018 –Wasiirka arimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in sharci uu yahay  heshiiskii saddex Geesoodka ahaa ee ay wada saxiixdeen Somaliland Itoobiya iyo Shirkadda DP World oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay heshiiskaasi Shacabka Somaliland.

inta badan Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeestay heshiiska Dowladda Itoobiya looga qeybgalinayo in ay saami ku yeelato Dekadda Berbera,waxana la sugayaa halka uu ku danbeen doono.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

————————————————————————–

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment