2319 Views

Dowladah Soomaaliya iyo Pakistan Oo Heshiis cusub Dhaxmaray

Dowladah Soomaaliya iyo Pakistan Oo Heshiis cusub Dhaxmaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 10, 2018 –Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa kala saxiixday Isfahan heshiis iskaashi (MOU) kaasi oo ku saabsan sidii dowladda Pakistan ay Soomaaliya uga caawin lahayd dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka Teknoloojiyada, iyadoo munaasabadii heshiiska ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Pakistan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Dhanka Soomaaliya waxaa heshiiska u saxiisay Safiirka Soomaaliya ee Pakistan Danjire Khadija Mohamed Al-Makhzoumi halka dhanka pakistan uu heshiiska u saxiixay Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalkasi Shahid Khaqan.

Heshiiska ayaa la xiriira sidii dowladda Pakistan ay Soomaaliya uga caawin lahayd ilaalinta xuduudaha oo ay Pakistan ku tahay dalalka ugu horeeya, siinta aqoonsioo muhiim u ah muwaadiniinta Soomaaliya oo la xiriira la socodkooda, maadaama Soomaaliya lagu wado in u ka dhaco doorasho hal qof iyo hal cod ah

 

Q1 Q2

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment