2022 Views

Madaxweyne Farmaajo ”Cid maalgashi sameyn karto ma jirto iyadoo fasax ka heysan Dowladda Soomaaliya”

Madaxweyne Farmaajo ”Cid maalgashi sameyn karto ma jirto iyadoo fasax ka heysan Dowladda Soomaaliya”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 10, 2018 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan jirin cid maalgashi Dalka ka sameyn karta iyadoo aan fasax ama ogolaansho ka heysan Dowladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in dalka shirkado iska maamushaan ama ay ka fuliyaan mashaariic aysan Ogeyn Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin wax kasta oo dhaawacayada Midnimada, Madaxbanaanida iyo Sharafta Shacabka Soomaaliyeed cid kasta oo isku daydana ay ka hor tagi doonaan.

Hadalkaan ayuu ka sheegay xafladda furitaanka Kal-fadhiga 3aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid Jawaab ah heshiiskii dhawaan magaalada Abuu Dubia ay ku kala saxiixdeen Soomaaliland, Itoobiya iyo Imaaraadka.

Sidoo kale hadalka Madaxweynaha ayaa jawaab u ah hadalo siyaasadeed oo heshiiskaas ka dambeeyay

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment