1680 Views

Mareykanka oo shuruudo ku xiri doona wadahadalada K/Waqooyi

Mareykanka oo shuruudo ku xiri doona wadahadalada K/Waqooyi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 10, 2018 –Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in aysan jiri doonin in ay kulamo dhexmaraan Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi, iyadoo dowladda Mareykanka aysan Shuruudo hor dhigin dowladda Kuuriyadda Waqooyi.

Madaxwayna ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa sheegay in Go’aanka Kuuriyada Waqooyi ee ku aadan in hogaamiyahooda uu la kulmo madaxwayne Donald Trump ay tahay mid muujinaysa in takoorka iyo cadaadiska uu Mareykanka ku hayo uu shaqaynaysay.

Mr Pence ayaa sheegay in Mareykanka ay sii wadi doonaan cadaadiska lagu hayo Pyongyang ilaa laga hirgalinayo hadafka ah in ay ka talabaxdo barnaamijkeeda hubka Niyukleerka.

Dhanka kale Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin waqti iyo goob cayiman oo loo asteeyay inay ka dhacaan wadahadalada la sheegay inay dhexmari doonaan madaxweyne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Afhayeenka aqalka cad ee dalka Mareykanka, Sarah Sanders, ayaa sidoo kale ku gacan seyrtay in madaxweyne Trump uu aqbalay casuumaada ay fidisay xukuumadda Pyongyang shuruud la’aan.

Mar sii horeysay Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Heshiis lala gaaro Kuuriya Wuqooyi uu yahay mid muhim ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment