4593 Views

Wasiir Cawad Oo Digniin Culus u Diray Dowlada Imaaraadka Carabta

Wasiir  Cawad Oo Digniin Culus u Diray Dowlada  Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 10, 2018 –Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaasiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalksa Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay  heshiiskii Dekeda Berbera.

Heshiiskan oo ahaa mid  Saddex geesood ah ayaa 1-dii bishan March waxa uu Magaalada Dubai  ee dalka Imaaraad Carabta ku dexmaray Dp-world, Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay inaanu jirin heshiis ansaxaya oo lagu galo dhulka Soomaaliya, kaasi oo aanay waxba ka ogeyn Dowladda Fedetraalka Soomaaliya, ansixintiisana aysan soo marin Baarlamaanka.

Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa Imaaraadka kaga digay in ay isku dayaan in ay faragelin ku sameeyaan Madax banaanida Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay heshiiskaasi inuu yahay mid aanay waxba ka jirin.

“Somaliland waa dad walaalaheena ah waxa ay ka mid yihiin ummadda Soomaaliyeed, horumarkooda waan jecel nahay, Imaaraadka qaabka ay udhaqmeen ma ahan wax wanaagsan, dacwad ayaana ka gudbinay.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay BBC-da.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkan fadhiga Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Qaahira ku gudbisay dacawad ka dhan ah Imaaraadka, waxaana Goluhu ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen in ay muqadas tahay madax banaanida Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment