1806 Views

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Madaxweynaha Jabuuti oo ka wada hadlay La dagaalanka

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Madaxweynaha Jabuuti oo ka wada hadlay La dagaalanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 10, 2018 –Rex Tillerson Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo Saacado ku sugnaa Wadanka Jabuuti waxa uu kulamo la qaatay Madaxda dalkaasi.

Waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa kamid ahaa:- Xiriirka ka dhaxeeya Mareykanka iyo Jabuuti, ka taageeridda Jabuuti la dagaalanka waxa loogu yeeray Argagixisada, Ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ku sugan kana howlgala Wadamo Soomaaliya ay kamid tahay iyo Arrimo kale.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan Gaar ah la qaatay Rex Tillerson kahor inta uusan ka amba bixin Wadanka Jabuuti, kulankaasi waxa ay kaga wada hadleen Ka sokoow Xiriirka kala dhaxeeya in labada dhinac ay iska caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo ururo kale.

Jabuuti ayaa Khatar u aragta Xiisadaha ka jira Wadanka Yemen, waaana qeyb kamid ah waxyaabihii ay la wadaageen Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Maadaama Yemen iyo Jabuuti la isaga kala goosho Biyaha u dhaxeeyo.

Mareykanka ayaa Talis Ciidan oo uu kala socda dhaq-dhaaqa ururada uu ugu yeero in ay ugu jiraan Liiska waxa loogu yeero argagixisada ku leh wadanka Jabuuti, waana barta uu kaga dulaan qaado Goobaha ay ku sugan yihiin Madaxda iyo Saldhigyada dhinacyadaas oo ay kamid yihiin Al-Shabaab.

Dhanka Kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xalay xilli dambe gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka kenya, waxaana lagu wadaa in uu la kulmo madaxda dalkaasi oo uu kala hadlo si lamid ah waxyaabihii uu kala hadlay Madaxweyne Geelle.

Tex Tillerson Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku guda jira Socdaalkiisa Afrika ayaa la kulmay Madaxda Ciidamada ka socda dalalkooda ay joogaan Soomaaliya, kuna howlgalaan Magaca AMISOM.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment