2307 Views

Guddoomiye Cismaan Barre: “kama adkaan karno Al-shabaab

Guddoomiye Cismaan Barre: “kama adkaan karno Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 11, 2018–Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Sheekh Cusmaaan barre Maxamed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbday in maamulka Hirshabeelle kala shaqeyso sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee Hirshabeelle.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab mudooyinkii dambe ay dhibaatooyin ka geysanaayeen inta u dhaxeysa wadooyinka Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar sidoo kale wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in wadooyinkaas bilooyin ka hor si amni ah ay xildhibaanada iyo madaxda Hirshabeelle balse hada ay ka jiraan qataro amni iyo weeraro iyo qaraxyo Al-Shabaab ay ka geystaan.

Waxa uu dowladda dhexe ka codsaday in si dhaqso ah ay Hirshabeelle kaga caawiyaan la dagaalka Al-Shabaab iyo sugidda amniga degaanada Hirshabeelle.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe xoojiyay weerarada ay ka geysanayaan degaanada Hirshabeelle, waxaana labadii todobaad ee la soo dhafay weerar ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay ku leeyihin Hirshabeelle.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment