3705 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Booqanaya Dalka Qadar

Madaxweyne Farmaajo Oo Booqanaya Dalka Qadar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 11, 2018Maalin kadib, Wafdi Balaaran uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa uduulaya Magaalada Doxa ee Caasimada Dalka Qatar.

Farmaajo, waxaa Safarkiisa ku wehlinaya Lix kamid ah Golihiisa Wasiirada, sida Wasiirada Arimaha Dibeda, Ganacsiga, Gaashaandhiga, Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Xildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka kamid ah iyo Saraakiil kale.

Ujeedka safarkan ayaa ah sidii loo kala saxiixan lahaa Heshiisyo badan oo dhinaca Ganacsiga ah, Horumarinta iyo amniga, Qatar waxa ay sidoo kale caawin doontaa dib uqalabeynta Ciidanka, sida ay Mustaqbal usheegeen Saraakiil katirsan Madaxtooyada Somaliya.

Waxa ay noqoneysaa Markii labaad uu Madaxweynaha aado Qatar, 24-Kii Bishii May ee Sanadii hore ayuu xili Habeen ah ka dagay Caasimada Qatar, lkn safarkan wuu ka duwanyahay kiisii May.

Waxa uu ku soo beegmay Maalmo uun ka dib markii ay Somaliya gudbisay Dacwad ka dhan ah Imaaraatka Carabta oo ay uga dacwooneyso shirkadeeda DP World oo heshiisyo aaney ka warqabin dowladda dhexe la gashay qaar kamid ah Maamulada Dalka kajira, Gaar ahaan Somaliland iyo Puntland.

Sidoo kale waxa uu ku soo aadayaa iyadoo Masuul sare oo katirsan Shirkadaha Dekedaha uu shaaciyay ineysan Dowladda dhexe waxba ka badali karin Heshiiska Dubai lagu soo dhameystiray, Somalilandna uu ku sheegay iney tahay Dowladd Madaxbanaan.

Somaliya waloow Bishii June ee 2017-Kii sheegtay iney dhexdhexaad katahay xiisada Khaliijka ee udhexeeya Imaaraatka iyo Qatar, ayaa waxaa xiligan muuqnaya in Madaxtooyada ay ujajeersatay Dhanka Dowladda yar balse qaniga ah ee la isugu tagay ee Qatar.

Madaxweynaha iyo Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Somaliya ayaa mudooyinkan umuuqday iney isu daba marayaan safarada dhanka dibeda ah, Tusaale 26-Kii Feberaayo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa uduulay Imaaraatka Carabta,Koowdii Bishan Maarso Madaxweynaha ayaa uduulay Dalka Uganda, Halka, Sadexdii Isla Bishanna uu Kheyre aaday Mareykanka, Waxaana markan ay tahay Tookadii Madaxweynaha oo waxa uu aadaayaa Qatar 13-Ka Bishan.

Waxa uu Safarkan ku soo aadayaa Iyadoo Qatar ay Dalkeeda uqaadatay Kumanaan dhalinyaro Somali ah kuwaas oo la askareynayo, Waxeyna Noqonayaan muwaadiniin qadari ah oo aan dalkeeda dib loogu soo celin.

Askarta ay qatar qaadatay ayaa waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha uu soo saxiixay Safarkiisii udanbeeyay ee Sanadii hore, Waxaana askartan Somalida ah ay qatar mushaar ahaan usiineysaa Bishiiba $800.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment