2454 Views

Shabaab Oo Xiray inta Ugu Badan Garoomadda Salaxa Muqdisho

Shabaab Oo Xiray inta Ugu Badan Garoomadda Salaxa Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 11, 2018Shabaab ayaa xiray inta badan garoomadda lagu ciyaaro kubadda Cagta ee loo yaqaan (Salaxa) kadib markii muddooyinkii dambe ay wadeen xiriiro kala duwan oo ay la sameynayeen Milkiilayaasha goobaha lagu ciyaaro Kubadda Cagta.

Horay Shabaab waxa ay u xireen goobo lagu Ciyaaro Kubadda Cagta oo ku yaallo Degmooyinka, Dayniile, Yaaqshiid, Kaxda Iyo Heliwaa, haddana waxa ay amaro dul dhigeen goobaha lagu ciyaaro Kubadda Cagta ee ku dhaw xayndaabka wadada Maka Al-Mukarama.

Dhawr Salax oo ku yaallo nawaaxiga Wadada Maka Al-Mukarama Milkiilayaasha iska leh, ayaa xalay lagula soo xiriiray Taleefoonka waxaana loo sheegay inay xiraan goobahaasi illaa amar dambe.

Mid ka mid ah dhalinyarada doonaysay galabta inay ku ciyaaraan Kubadda Cagta Salaxa ku yaallo dhabarka dambe ee Hotel Maka Al-Mukarama, ayaa Milkiilaha Garoonka wuxuu u sheegay inay iska xireen Garoonka illaa amar dambe, kadib amarka Shabaab ay soo bixiyeen.

“Xalay ayaa taleefoon naloo soo diray meesha salaxa xira ayaa nala dhahay illaa amar dambe, wax kale nooma aysan sheegin.” Ayuu yiri Milkiilaha Garoonkan Kubadda Cagta ee Salaxa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment