1881 Views

Mareykanka oo Sheegay in Malaayiin Dollar ay ku bixinayaan ciribtirka Al-shabaab.

Mareykanka oo Sheegay in Malaayiin Dollar ay ku bixinayaan ciribtirka Al-shabaab.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 12, 2018–Xog haya Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerso oo booqasho ku maraya qaar ka mid ah wadamada Afrika ayaa Howl galka Midow Africa ee AMISOM ee ay ka wadaan Soomaaliya ku aamanay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab iyo dadaaladooda Xasilinta Soomaaliya.

Xog haye Tillerson ayaa balan qaaday in Dowladiisu ay la shaqeeyneeyso Midowga Africa si Al-shabaab looga adkaado, loona ciribtiro Argagixisadda geeska Africa iyo Dadaaladda Dowladaha Badan ay ugu jiraan dhameeynta Xagjirnimadda.

“waxaan la kulmi doonaa Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa Muuse Fiqi Muxamed, waxaana kawada shaqeeyneeynaa in laga Adkaado Argagixisadda Qaaradda” ayuu yiri Rex Tillerson.

Tillerson wuxuu  Howlgalka lagu Dagaalamayo Al-shabaab ee Soomaaliya u balanqaaday $140 Million, taasi oo uu sheegay in wax ka tari doonta Dar-dar galinta Dadaaladdda Xasilinta Soomaaliya.

Dowladda Mareeykanka waxaa ay ka mid tahay Dowladaha ugu horreeya oo Soomaaliya ka saacida sidii looga adkaan lahaa Al-shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment