3066 Views

R.W. Kuxigeenka Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha India

R.W. Kuxigeenka Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha India
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 12, 2018 – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada New Dalhi ee dalka India kulan gaar ah oo saacad iyo wax ka badan qaatay la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka India Mr. Narendra Modi.

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada khaasatan Caafimaadka iyo waxbarashadda iyo in Shacabka Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Hindiya.

“Waxaan la kulanay Ra’iisal Wasaaraha Dalka Hindiya Narendra Modi, runtii kulankaasi oo aad muhiim u ahaa waxaanu kaga wada hadalay siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada, guul ayuuna ku soo dhamaaday”. Ayuu yiri R.W Kuxigeenka.

Ra’iisal Wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa dhankiisa wuxuu balan qaaday in India ay Soomaaliya si dhow ugala shaqaynayso xiriirada iskaashi ee arrimaha Bulshada iyo kuwa dibloomaasiyadeedba.

Wafddiga Raiisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa inta ay joogaan Dalkaasi India kulammo la yeelan doona qaar ka mid ah madaxda ka qayb galaysa shirka halkaasi ka dhacaya oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dhinac.

z1 z2

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment