2349 Views

Gogosha Lagu Dhex Dhexaadinayo Imaaraadka iyo Somaliya Oo La dhigayo Riyaad

Gogosha Lagu Dhex Dhexaadinayo Imaaraadka iyo Somaliya Oo La dhigayo Riyaad
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 14, 2018 —-Sida ay daabaceen tiro warbaahin ah, Dowladda Sacuudiga ayaa isku xilqaantay in ay xal siyaasadeed ay ku wajahdo Xiisadaha kasoo dhex cusbnoonaanayo Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Saraakiil katirsan Sacuudiga ayaa laga soo xigtay in ay Gogol dhigayaan Magaalada Riyadh ee Caasimadda Sacuudiga si ay ugu wada hadleen Wufuud ka kala imaanaya Dowladda Federaalka iyo Imaaraatka Carab oo aysan sheegin Maqaamkooda ama Darajadooda.

Sacuudiga ayaa qorshihiisu yahay in aanan u gudbin Khilaafka ka dhashay Heshiiskii Saami qeybsiga Dekeda Berbera ee u dhaxaayay Shirkadda DP-World ee Imaaraatka laga leeyahay, Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Maamulka Somaliland mid u dhaxeeyo Labada Dowladood.

Heshiiskaas waxaa qaraar ka dhan ah Shirkadda Dekedaha Caalamiga ee Dubai, iyagoona Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay cod ku ansixiyeen qaraarkaasi, dalkana kaga mamnuucay.

Sacuudiga ayaa saaxiib dhaw la ah Labadaan Dowladood, wasiirka arrimaha Dibadda oo dacwad ka dhan ah Imaaraatka u gudbiyay Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in mid kamid ah Dowladaha ururkaan xubnaha ka ah ay waan waan waddo, inkastoo aanan sheegin dalka ay tahay.

Boqortooyada Sacuudiga ma sheegin muddo Cayiman oo ay gogoshaan ku dhigeyso, balse Saraakiil katirsan ayaa laga soo xigtay in sida ugu dhaqsiyaha badan Gogoshaan ay u dhigayaan Magaalada Riyadh.

Imaaraatka Carabta wali kama hadlin Heshiiskii Heshiiskii Berbera, Qaraarkii Baarlamaanka iyo Dacwadii Jaamacadda Carabta ay u gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment