2838 Views

Senate-ka Mareykanka oo maanta dhegeysanaya warbixin ku saabsan Somaliya

Senate-ka Mareykanka oo maanta dhegeysanaya warbixin ku saabsan Somaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 14, 2018 —-Golaha Senate-ka Dalka Mareykanka ayaa maanta dhegeysanaya xaaladda siyaasadeed iyo amaan ee Soomaaliya iyada oo ay ka qeybgelayaan xubno lagu casuumay in ay warbixintaasi ka jeediyaan golaha hortooda.

Warbixintan waxaa ay la xiriirtaa xaaladda siyaasadeed iyo amaan ee Soomaaliya,Saameynta ay yeelan karto ka bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya iyo qodobo kale.

Warbixintan waxaa soo diyaariyay Guddi hoosaadka Guddiga xiriirka arrimaha dibadda Mareykanka qeybtiisa Afrika,waxaana xubnahaasi iyo kuwo ka socdo Hay’ado caalami ah laga dhegeysanayaa xaaladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxyaabaha laga hadlayo waxaa ka mid ah caqabadaha dowladda ka heysta dagaalka Al-shabaab iyo sida looga guuleysan karo.

Dadka lagu casuumay ee halkaas ka hadli doona waxaa ka mid ah agaasimaha Machadka Heritage  C/Rashiid Xaashi iyo xubno kale oo ka socda Hay’ado caalami ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment