1857 Views

Wasiirka Kalluumeysiga oo Ankara kula kulmay Madax ka tirsan Turkiga

Wasiirka Kalluumeysiga oo Ankara kula kulmay Madax ka tirsan Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 15, 2018 —Magaalda Ankara ee dalka Turkiga waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdi Xaaashi  iyo Mas’uuliyiin kale, waxayna kulamo kaldaduwan ay la qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda aan walaalaha nahay ee  dalka Turkiga.

Wasiirka oo uu wehlinayay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga danjire Jamac Cabdullahi Maxamed Caydiid, Senator  Ilyas Cali Xasan iyo la Taliyaha Wasiirka ayaa la qaatay kulamo kala duwaan Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga Mudane Nihat Zeybeci iyo madaxa hay’ada horumarinta Caalamiga ah Tika Dr Serdar Cam.

Wasiirka ayaa kala hadlay Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga madane Nihat Zeybeci  intii uu socday shirka sidii loo hormarin lahaa kalluumeysiga Soomaliya,maadaama dowladda Somaaliya ay baahiweyn u qabto ka faa’idaysiga kheyraadka dalka,Si dowladda Soomaliya iyo maamul Goboleedyada ay uga faa’idaystaan kheyraadka wadanka uu leeyahay, shaqo abuurna loogu sameeyo dhalinyarda shaqo la’aanta ah  ee ku nool wadanka gudihiisa  .

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaaashi iyo madaxa hay’ada horumarinta Caalamiga ah Tika Dr Serdar Cam ayaa ka wada hadlay intii uu shirka socday sidii ay TiKa uga caawin laheyd qalabka kalluumeysiga kalluumeysatada Soomaaliyeed, ugana hirgelin laheyd warshadaha kalluunka  gudaha Dalka Soomaaliya,si ay bulshada Soomaaliyeed uga faa’idaystaan kheyraadka dalkooda.

Madaxa hay’ada TIKA Dr Serdar ayaa si diiran u soo dhaweeyay kulanka Wasiirka  kuna tilmaamayy wax lagu farxo,ayna ka  go’antahay sidii ay uga hirgelin lahaayeen mashaariicy farabadan gudaha dalka Soomaaliya uguna horeeyo kheyraadka dalka uu leeyahay.

 

asasas

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment