2058 Views

Magaalooyinka Qowdah iyo Cafriin oo ay ka barakaceen 50 kun oo qof.

Magaalooyinka Qowdah iyo Cafriin oo ay ka barakaceen 50 kun oo qof.
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | March 16, 2018 — Duqeymaha Diyaaradeed ee aan kala go’a laheyn, Gurmadkii Bani aadamnimo oo gali waayay Deegaanada Maamulkaasi iyo Dhimashada iyo Dhaawaca soo gaaray dad ay daris ama xigto ahaayeen ayaa sababay in kumanaan dad ah ay ka baxaan Waqooyiga iyo Koofurta Syria.

Magaalooyinka kala badan dadka ku dhibaateysan, Magaalada Cafriin waxaa ka barakacay 30-kun oo qof, kuwaa Xamili waayay Duqeynta Isbaheysiga Turkiga ay ka geysanayaan Magaaladaasi.

Qowdah oo ah Magaalo u dhaw Caasimadda Syria waxaa iyanna ka qaxay 20-kun oo qof dad lagu qiyaasay, waaba hadii aysan ka badneen.

Guud ahaan Dadka gudaha ku barakacay waxaa lagu qiyaasay 6.1 Milyan oo qof, halka dadka ka baxay dalkana lagu sheegay 5.6 Milyan oo tiro ahaan aanan kala fogeyn.

Dhimashada waxaa iyanna lagu sheegayaa in ay mareyso 400 kun tan iyo curashada Dagaalka ka dhanka Madaxweyne Bishaar Xaafid Al-Asad.

Qaramada Midoobe ayaa u muuqata in ay gacan ka taagtay wax ka qabashada Dowladaha Qubadaha waa weyn ee ku lugta leh Duqeymaha iyo Dagaaladaha Syria.

z1 z2 z3

000000000000000222

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment