2169 Views

Sawiro:- RW Kheyre oo kormeer amni ku tagay Degmada Hilliwaa

Sawiro:- RW Kheyre oo kormeer amni ku tagay Degmada Hilliwaa
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL |  March 16, 2018 — Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay waqti dambe Kormeer amni ku tagay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Benaadir.

Kormaarka Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Qaar ka tirsan Guddoomiyeryaasha Degmooyinka oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha degmada Hilliwaa iyo Saraakiil kale oo Ciidan.

Kahor inta uusan Ra’iisul Wasaaraha bilaabin kormeerkiisa ayaa waxaa Ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka lagu daadiyay dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada iyo wadooyinka waa weyn, kuwaasi oo ammaanka xaqiijinayay inta uu kormeerka socday, si aysan u dhicin arbushaad.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay baraha Kontorool ee Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi iyo xarunta degmada, waxayna Ciidamada xilligaasi ku guda jireen howlahooda shaqo.

“In Habeen saq dhexe ah aan joogno degmada Hilliwaa waxa ay ka dhigan tahay Nabadda oo ku sii baaheysa guud ahaan dalka, waxaan diyaar u nahay in har iyo habeen aan u shaqeyno shacabka Soomaaliyeed, Saraakiisha iyo Ciidamada waxaan ku dhiiragelinayaa in ay kordhiyaan waajibaadkooda, maxaa yeelay shacabka adinka ayay idinku seexdaan.” Ayuu yiri Khayre.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa 14-kii bishan xilli habeen ah ka baaqday kormeer uu doonayay inuu ku maro Isgoysyo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo kordheen arrimo xasaasi ah oo Siyaasadeed.

Khayre ayaa balamiyay Suxufiyiinta, waxaana loo sheegay Wariyeyaasha in uu Kormeer sameynayo Khayre, sidaasi awgeedna 12:00 habeenimo ayaa Suxufiyiinta la isugu geeyay Daljirka Daahsoon, halkaasi oo lagu diyaariyay gaadiid badan oo qayb ka noqon lahaa kormeerka Ra’iisul Wasaare Khayre.

Intaasi kadib ayaa Suxufiyiinta waxaa loo sheegay saacad kadib inuu baaqday kormeerkii Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii la helay xogta ku aadan Xildhibaano waday abaabul Mooshin ah.

001 002 003

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment