1968 Views

Xildhibaano su’aalo la xiriira Mooshinka Jawaari weydiiyay guddiga joogtada ee BFS

Xildhibaano su’aalo la xiriira Mooshinka Jawaari weydiiyay guddiga joogtada ee BFS
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | March 16, 2018 — Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka oo gaaraya ku dhowaad 100 ayaa maanta oo Jimco ah su’aalo weydiiyay Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Villa Hargeysa waxaana su’aalaha la weydiiyay Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka ay la xiriireen Mooshinka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ay ka gudbiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaaeyeen dhammaan Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogtada iyo ku xigeenadooda ee Baarlamaanka ayaa waxa ay sheegeen sababta ay Mooshinka u buriyeen in ay tahay kadib markii ay la kulmeen Guddoonka Baarlamaanka oo ay wax ka weydiiyeen arrintaasi, ayna u soo baxday inuusan sharci aheyn Mooshinka.

Guddiyada Joogtada ayaa waxa ay sheegeen in Guddoomiye Muudey ay wax ka weydiiyeen Mooshinka loo soo gudbiyay ayna ka codsadeen inuu cadeyn keeno, intaasi kadibna uu soo gudbiyay 91 xildhibaan, oo 16 kalena ay ka laabteen.

Waxa ay sheegeen in arrintaasi darteed ay u buriyeen Mooshinka, maadaama uusan sharci aheyn, balse waxa ay tilmaameen in ay qalad aheyd in Guddoomiye Muudey uu warbaahinta la hadlo kadibna uu dhaho waa sharci Mooshinka.

Ugu dameyn Guddiga ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) u sheegay inaan looga baahneyn mar walba oo ay wax dhacaan inuu isku soo xiro Wasaaradda Gaashaandhigga, balse looga baahan yahay inuu cadeeyo go’aankiisa ku aadan arrintan.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment