1992 Views

Aadan Madoobe”Jawaari laba wado ayaa u furan inuu iscasilo iyo inuu sugto codka inta loo qaadaayo”

Aadan Madoobe”Jawaari laba wado ayaa u furan inuu iscasilo iyo inuu sugto codka inta loo qaadaayo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | March 17, 2018 —Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo goor dhaw Saxaafadda Shirjaraa’id u qabtay, ayaa waxa ay ka hadleen Mooshinkii ay ka keeneen Gudoomiye Jawaari.

Xildhibaanada oo siyaabo kala duwan uga hadlay, arrinta Jawaari, ayaa sheegay Mooshinka ay soo gudbiyeen inuu yahay mid waafaqsan sifaha sharciga ah ee dalka u yaallo eedeymaha ku qorana ay yihiin kuwa sax ah oo Gudoomiyaha lagu eedeeyay.

Xildhibaan Aadan Madoobe oo ka mid ah Xildhibaanada Shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya inay u furan tahay laba wado midkood inuu sameeyo.

Waa mida koowaad inuu ka sheego meel fagaare ah ku dhawaaqista iscasilaadiisa ku aadan inuusan sii ahaaneyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama Mooshin sharci ah laga keenay.

Qodobka labaad ayaa Xildhibaan Aadan Madoobe wuxuu ku sheegay inuu yahay in Gudoomiye Jawaari uu sugo inta codka kalsoonida ah looga qaadaayo, maadaama uu ku dhacaayo Gudoonka tiro codad ah oo gaaraya 184 Xildhibaan.

Sidoo kale Shirkajaraa’id waxaa ka hadashay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo sheegtay in Gudoomiyaha Baarlamaanka laga rabo sharciga inuu ku kala baxo, maadaama Mooshin sharci ah laga keenay.

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiye Jawaari ayaa u muuqda kuwa ku kalsoon tirada ay mooshinka ku soo gudbiyeen, sidoo kalena doonaya in cod loo qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment