2403 Views

Maxkamada Ciidamada Oo Ka Soo Muuqday Rag Loo Heysto Farsameynta Qaraxyada

Maxkamada Ciidamada Oo Ka Soo Muuqday Rag Loo Heysto Farsameynta Qaraxyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | March 17, 2018 —Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa u soo gudbiyay gudoonka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida eed lid ku ah Saddex eedeysane oo kala ah ,Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud,Jamaal Maxammed Cali Cabdi iyo Axmed Aadan weerar Dhagaxow, kuwaaso lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen dagaalyanada Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka dalbaday xafiiska xeer ilaalinta in eey kaanaan baarihii kiiskan, si su’aalo loo weydiiyo, waxaana sidoo kale eey fursad u heleen qareenada in ay su’aalo weydiiyaan baaraha kiiskan.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirro laga soo qaaday agab lagu farsameyn jiray qaraxyada oo lala soo qabtay sedaxda eedeysane iyagoo sheegay in eeysan hor keeni Karin garsoorka maadaama aanu aqoon badan u laheyn balse eey hayaan agabkaas ciidamada amniga gaar ah kuwa u aqaabilsan arrimahaasi, waxanaa garsoorka ciidamada qalabka sida ka codsadeen in loo ogolaado in la soo gaba-gabeeyo kiiskan oo eey sheegeen in eey ku filantahay cadeymaha loo heysto.

Dhanka kale qareenada difaacayay eedeysanayaasha ayaa  Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto eedeysanayaasha oo lagu xukumo sanado iyagoo oo adeegsanayo qodobo, ku waasi oo kamid tahay in cadeymaha eeysan dhameystirneen.

Raggaan loo heysto farsameyn qaraxyada ayaa ciidamada ammaanka dhawaan ka soo qabteen gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degaanka Ceelasha-Biyaha

L2 L3 L6 LLLL

VVVVVVVVVVVVVVV

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment