1929 Views

Sowlada :-Masar Oo Deeq Dawo ah ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya

Sowlada :-Masar Oo Deeq Dawo ah ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | March 17, 2018 —Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  la wareegtay deeq Dawo ah oo ay soo dhiibtay Dowladda Masar.

Munaasabaddii lagu wareejinayay deeqdaasi Dawada ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisha ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. C/laahi Xaasi, Danjire ku xigeenka safaarada Masar ee Soomaaliya Axmed Shedid, Qunsulka safaarada Mr ee Soomaaliya Tamer Safwat El-Mahdy iyo Danjire ku xigeenka safaaradda Soomaaliya ee Masar Ilyaas Sheekh Cumar.

Danjire ku xigeenka Safaarada Masar ee Soomaaliya Axmed Shedid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan oo ka kooban 13 Tan oo dawo ah ay soo dhiibeen shacabka iyo dowladda Masar wuxuuna dawadaasi ku wareejiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka.

Dr. C/laahi Xaashi oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo deeqdaasi la wareegay ayaa dowladda Masar uga mahadceliyay deeqdan ay usoo dhiibeen Ummadda Soomaaliyeed.

 

 

ZX ZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZ

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment