1962 Views

Madaxweynaha Dalka oo ka hadlay geerida R.W. hore Marxuum Barkat Gourad

Madaxweynaha Dalka oo ka hadlay geerida R.W. hore Marxuum Barkat Gourad
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20 Maarso 2018 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti geeridii ku timid, Alle ha u naxariistee, marxuum Barkat Gourad Hamadou oo Raiisul Wasaare kasoo noqday dalkaas intii u dhaxeysay 1978 – 2001dii.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumka, oo muddo 23 sano ah soo hayey xilkaas, uu dadaal dheer ku bixiyey horumarka iyo midnimada shacabka Jabuuti.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay kaalintii muhiimka ahayd ee marxuumku uu ka soo qaatay howlaha dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed iyo sida uu ugu qeyb qaatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun . Labada shacab ee Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa ka baxay qof qiimo badan oo baal dahab ah ka galay sooyaalka labada dal. Waxaan la qeybsanaynaa walaalaheenna reer Jabuuti tiiraanyada, Allena waxaan uga baryaynaa marxuumka inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti inuu sabar iyo iimaan ka siiyo geerida marxuum Barkat Gourad Hamadou.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment