3429 Views

Daawo Sawirada :- Wararkii ugu danbeeyey ee qarixii ka dhacay Muqdisho

Daawo Sawirada :- Wararkii ugu danbeeyey ee qarixii ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | March 22, 2018 – Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa qarax khasaaro geystay oo Galabta ka dhacay ka soo horjeedka hotelka Wehliya oo ku yaalla agagaarka Isgoyska dabka ee Wadada Maka Almukarama Magalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid laga soo buuxiyay gaari, waxana wararka aan heleyno ay sheegayaan in Gariga ay eryanayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya balse markii uu marayay kas oo horjeedka hotelka wehliya uu qarxay.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa qaraxaas ka dhashay,waxana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan kuwa Ganacsi ku leh Goobta uu qaarxa ka dhacay iyo kuwa saarnaa Gawaarida nooxa raaxada iyo kuwa dadweynaha Bii’elka loo yaqaano kuwaas oo Wadada isticmaalayay.

Gawaarida gurmadka degdega ee Ambalaasta loo yaqaano ayaa goobta gaaray kuwaaso oo qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxaas,waxana hadda goobta ku sugan saraakiil ka tirsan laamah amniga Soomaaliya kuwaas oo la ilayo in Warbaahinta ay la wadaagaan faah faahinta.

01 02 04 06

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment