2796 Views

Hay`adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo AMISOM oo kawada hadlay wadaagida Xogaha Qarsoon

Hay`adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo AMISOM oo kawada hadlay wadaagida Xogaha Qarsoon
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | March 22, 2018 –Shalay waxaa la soo gaba gabeeyay shir 3 maalin socday oo AMISOM iyo hay’adaha sirdoonka Soomaalida uga arrinsanayeen sidii la isaga kaashan lahaa uruurinta iyo wadaagidda xogaha la xiriira sirdoonka Soomaaliya.

Xubnihii ka qeyb galay shirkaas ayaa waxay isku af-garteen sidii ay muhiim u tahay helidda xogta iyo arrimaha sirdoonka si looga hortago weerarrada ka yimaada dagaalamyaasha Al-shabaab.

Agaasimaha Howgalada Ciidamada Xoogga Mohamed Sheikh Madoobe, ayaa sheegay in ay haboon tahay wadaagga xogta, taasina ay weliba muhiim u tahay jiritaanka sirdoon xoog leh oo ka hana qaada Soomaaliya.

Agaasimaha waxaa kale uu sheegay in shirkan looga hadlayey qaabkii ugu wanaagsanaa oo ay u wada shaqeyn lahaayeen iyo xog is weydaarsi u dhex mari lahaa dhammaan dhinacyada kala duwan ee Sirdoon AMISOM iyo Soomaaliya.

Charles Tai Gituai, oo ah ku-xigeenka hoggaanka AMISOM ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in xog uruurinta iyo wadaagidda ay noqdaan kuwoo laga ma maarmaan u ah ka hortagga khatarta, soona celin kara nabadd ka dhalata Soomaaliya.

Qoraal laga soo saaray shirka, waxaa lagu sheegay in kulanka AMISOM iyo hey’adaha dowladda laga faa’iday sidii loo heli lahaa qaab xog iyo sirdoon ka duwan sidii hore si looga hortago khatarta Al-shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment