1986 Views

Shirka Goloha Wasiiradda oo looga hadlay dib-u-eegista Hannaanka Cadaaladeed ee Soomaaliya iyo arimo kale…

Shirka Goloha Wasiiradda oo looga hadlay dib-u-eegista Hannaanka Cadaaladeed ee Soomaaliya iyo arimo kale…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March, 22, 2018 — Shirka Khamiis laha ee Goloha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay Dib-u-eegista hannaanka Cadaaladeed ee Soomaaliya, Dhaqaalaha, Amnigga, Ansixinta heshiisyada Soomaaliya iyo Turki iyo Doorashooyinka 2020-ka, iyadoo warbixino kalena laga dhagaystay qaar ka mid Goloha Wasiiradda. Waxaana kulanka shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa ka warbixiyay shir caalamiya oo uu kaga qayb-galay dalka Hindiya kaas oo loogu magacdaray International Solar Allaince. Waxuuna sheegay in uu kulan wada yeesheen Ra’iisul Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi, waxayna labada mas’uul ka wada hadlayn sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada arrimaha bini’aadanimadda, gaar ahaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.

“Madaxda Hindiya waxaan ka wada hadalnay hannaanka isku socodka ee labada dawladooda iyo xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga Hindiya, waxayna balan-qaadeen in ay ka shaqayn doonaan is-dhexgalka labada bulsho, si loo hagaajiyo loona fududeyo hannaanka isku socodka ee labada dawladood” Ayuu yiri Mudane Mahdi.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaw (Ducaale), oo golaha warbixin ka siiyay ammaanka dalka ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamadda nabbad illaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab. Taasina ay tahay guul ay gaartay Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa cadeeyay in ay meel wanaagsan marayso tirakoobka iyo Tayeynta ciidamadda Qalabka sida. Isagoona ka hadlay ciidamo loo soo xiray tababar kuwaas oo uu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaaladda dalka looga xoreynayo kooxda argagaxisada iyo cadowga ummadda Soomaaliyeed.

“ Waxaan billownay barnaamij quudin ah oo loo samaynayo ciidamadda dalka, taas oo ah in cuntada ay cunaan ciidanka looga sameeyo dalagyadda kabaxa dalkeena. Si looga maarmo Raashinka dibadda looga keenayo ciidaka oo qarash badan kaga baxa dawladda, faa’iido badana aysan ku haysan Ciidanku”. Ayuu yiri Wasiiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa ka hadlay halka ay marayso dar-dargalinta Koboca dhaqaalaha heer-kiisa 2-aad ee (SMP2). Waxuuna wasiirku sheegay in dakhligga seddexda billood ee ugu horeysay oo Beesha Caalamka ay Soomaaliya ka sugeysay kaas oo dhan $41 Million( Afartan iyo Kow Milyan), in hadda lasoo xareeyay $32 Milion (Soddon iyo Lobo Miliyan), iyada oo wali bishii seddaxaad ay socoto. Waxuuna sidoo kale sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka dawladda ay si habsami leh ku socoto.

Ugu dambayntii Shirka Golaha Wasiiradda ayaa intii uu socday waxaa lagu Ansixiyay 14-Heshiis oo dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2018 kuwaas oo kala ahaa, Heshiiska Ganacsigga iyo iskaashigga Dhaqaalaha. Heshiiska iskaashigga Gaadiidka Badda. Heshiiska Iskaashigga Maal-gashigga. Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Erdogan. Heshiiska Iskaashiga Biyaha. Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha. Heshiiska Iskaashiga Tamarta. Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada. Is-af-garadka Waxbarashada Sare. Is-af-garadka waxsoosaarka Beeraha. Is-af-garadka Kaluumeysiga. Is-af-garadaka Caafimaadka Xoolaha .Is-af-garadka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashigga Dhaqaalaha.Isfahamka Is-afgaradka ee dhaqanka.

shirka-golaha-wasiirada-mar-22-1 shirka-golaha-wasiirada-mar-22-3 shirka-golaha-wasiirada-mar-22-2

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment