1806 Views

R/W Kheyre oo balanqaaday in Dowlada ay gurmad u fidin doonto dhaawacyada daran

R/W Kheyre oo balanqaaday in Dowlada ay gurmad u fidin doonto dhaawacyada daran
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 23, 2018 —Ra`iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday  qaraxi ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye  ee magaalada Muqdisho.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Muqdisho” ayuu yiri R/wasaaraha dalka.

“Cadowga aan la dagaallameyno waa mid caaddeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay ka mid tahay midda maanta dhacday.” ayuu yiri R/wasaare Khayre.

R/wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay.

Shalay ayey aheed markii weerar ismiidaamin ah oo mas`uuliyadiisa ay sheegteen Al-shabaab uu ka dhacay afaafka hore ee Hotel Weheliye ee magaalada muqdisho, weerarkaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 ruux oo rayid ah sidoo kalana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kalane.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment